četrtek, 29. oktober 2009

Soomaaliya

Soomaaliya (Luugada Carabiga الصومال) loona yaqaano Jamhuuriyadda Soomaaliya waa dal ku yaala geeska bari ee Qaaradda Afrika. Waa dal ku fadhiya dhul balaaran isla markaasna raadkiisa taariikhda dunida laga heli karo, isagoo hadba magac lagu tilmaamayo, gaar ahaan xilligii Faraaciinta iyo Romaankuba. Soomaaliya waxay u qaybsantahay 18 gobol,oo kala ah:
* 01. Awdal (Baki)
* 02. Bakool (Xudur)
* 03. Banaadir (Muqdisho ama Xamar)
* 04. Bari (Bender Cassim) ( Boosaaso)
* 05. Bay (Baydhabo)
* 06. Galguduud (Dhuuso Mareeb)
* 07. Gedo (Garbahaarreey)
* 08. Hiiraan (Beledweyne)
* 09. Jubbada Dhexe (Bu'aale)
* 10. Jubbada Hoose (Kismaayo)
* 11. Mudug (Galkacayo)
* 12. Nugaal (Garoowe)
* 13. Sanaag (Erigavo)
* 14. Shabeellaha Dhexe (Jowhar)
* 15. Shabeellaha Hoose (Marka)
* 16. Sool (Laascaanood)
* 17. Togdheer (Burco)
* 18. Woqooyi Galbeed (Hargeysa)

Soomaaliya waxay xornimadeeda la soo noqotay 1960, kadib markii ay halgan hal qarni qaatay ay dadka Soomaaliyeed la galeen dowladihii gumaysanayey oo kala ahaa Talyaaniga iyo Ingiriiska, kuwaas oo u kala qaybiyey geyiga Soomaaliya shan qaybood. Waxay dadka Soomaaliyeed u ahayd guul aad u wayn markii ay xoroobeen labadii qaybood ee Ingiriiska iyo Talyaanigu ay kala gumaysan jireen, iyadoo ay weli ku sii jireen gacanta gumaysiga qaybihii lakala siiyey Faransiiska, Itoobiya iyo Kenya. Marka laga soo gudbo kacaa kufkii dawladihii curdinka ahaa ee gumaysiga ka danbeeyey, waxaa dalka soo maray dawlad milateri ah oo dhinacna gan adag ku maamulaysay dalka dhinaca kalena ay tartan kula jireen siyaasado badan oo kala ujeedo ah, taas oo dadka Soomaaliyeed ugu danb ayntii geyey siisay inay gaadhaan xaalad laga naxo oo loo malayn karo in dalkuba dib uga soo kaban waayo. Kooxaha maangaabka ah iyo kuwa loo adeegsaday dhagarta dalkooda ayaa ilaa maanta la soo indhacad in burburkii dalku uu ahaa guulo la gaadhay. Waxaa warbaahinta qaarkeed ayba halhaysyada furitaanka ka dhigteen heeso iyo erayo lagu dhafoor taabanayo Ummadaa hagaastay.

CEELKA CONOCO: Dalka Soomaaliya marka la eego juqraafi ahaan, waxaa loo malaynayaa in uu ku kaydsan yahay shidaal farabadan. Shirkadaha muddad dheer ku hamiyayey in ay shidaal ka soo saaraan Soomaaliya waxaa ka mid ah shirkadda , taas oo xarun ama kaam ballaaran ku lahayd meel (Kaam) 35 km dhanka Bari ka xigta magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal... Akhri CEELKA CONOCO

Maalmaha Soomaaliya lagu qadariyo lana xuso sannad walba waxaa ka mid ah:
* 1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
* 2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
* 3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
* 4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
* 5. 8da Maarso maalinta haweenka dunida
* 6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
* 7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
* 8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L.
* 9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.
* 10. 20kii bishii Disember sanadii 1943kii aasaaskii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
* 11. 21 octobar sannadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
* 12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
* 13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
* 14. 1900-1921juu Halgankii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
* 15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
* 16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cusmaan.
* 17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
* 18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Maxamed Siyaad Barre, kadib koolkii ciimada qalabka sida oo uu hoggaaminayo ay talada dalka la wareegeen.
* 19. Warshadii kalluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
* 20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
* 21. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
* 22. Warshadda Caanaha Xamar waxaa la dhisay 1966kii
* 23. Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.
* 24. Warshadda Sonkorta ee Mareerey waxaa la aasaasay 1972dii

tan waa taariikhdii soomaaliya iyo maalmaha la xuso ruuxii soomaaliya ee soo qoray aniga waxaan lee yahay mahad ha kaa gaarto