Maamulka Islaamiga Gobalada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in ay dejinayaan sharciyo cusub oo dhanka Saxaafadda ah kadib markii ay dhawaan xireen idaacado Muqdisho ku yiilay.
Kulan balaaran oo maanta magaalada Baydhabo ku dhaxmaray Maamulka Islaamiga Gobalada Bay Bakool iyo Aqoonyahanada Baydhabo ayaa looga hadlay sidii dib loogu furi lahaa Idaacadaha weli u xiray Shabaab islamarkaana saxaafadda loola xisaabtami lahaa.
Waaliga wilaayada Islaamiga Gobalka Bay iyo Bakool Sheekh Mahad oo lahadlay Odayaasha Bay iyo Bakool ayaa sheegay in ay ilaali doonaan xauquuqda Saxaafadda marka la dejiyo qodobo waafaqsan shareecada Islaamka balse aan la ogolaan doonin in Idaacadaha u shaqeeyaan sidii idaacadaha reer Galbeedka.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Muddo xiranyihiin Ilaa iyo Sedax Idaacadood oo ku yiilay magaalada Baydhabo kuwaasi oo aan la ogayn sababaha loo xiray.