Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay Waajib tahay duqaymaha ay ciidamada AMISOM ka gaystaan suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo deegaanada kale marka weerarada lagusoo qaado.
Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda KMG Somalia Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo maanta hadlay ayaa sheegay in AMISOM ay Sharci u leedahay Duqaymaha ay shacabka u gaystaan Shacabka Muqdisho.
Aadan Madoobe wuxuu is cad u sheegay in AMISOM aysan qaldanayn balse khaladka ay leeyihiin Xoogaga Islaamiyiinta ah "AMISOM xaq ayay u leedahay in ay duqayso meelaha wax lagasoo tuuro mana ahan qalad qaldka waxaa leh kuwa madaafiicda shacabka kasoo dhaxtuuro" ayuu yiri Aadan Madoobe.
Ciidanka AMISOM ayaa shalay Xasuuqii ugu badnaa ka gaystay magaalada Muqdisho kadib markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Shariif.
Xafiiska Wararka Markacadey.net Magaalada Muqdisho.