četrtek, 29. oktober 2009

Muqdisho

Muqdisho ama Xamar Waa Magaalo-Madaxda Soomaaliya. Waxayna ku taalaa Gobolka Banaadir ee Koonfur Bari ee dalka Soomaaliya. Waxayna saaran tahay Badweynta Hindiya.

Taariikhda Muqdisho waa mid aad iyo aad u da'weyn oo si Qeexan uga muuqata Taariikhda adduunka iyo Qariiradda adduunka Gaar ahaan Midda Africa. Waxaa Taariikhda muqdisho si gaara uga hadlay Qoraaga Muslimka ah ee reer Maqrib ama morocco hadba saa u taqaanid ee lagu magacaabo Ibnu Batuta oo booqday Magaalada Muqdisho 675 sano ka hor. Eeg buuga safarradiisa ama "Rixlaat Ibn Batuuta" ee Afrika iyo Aasiya. Muqdisho waxaa dega soomaliyoo dhan qabiilkastana waa laga heli karaa walow Majoritiga dadka daga Muqdisho ay yihiin Beelwaynta Hawiye Gaar ahaan Abgaal . Kadib Burburkii Dowladii Kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre 1991 magaalada Muqdisho waxay Noqotay Meel ay ku hardamaan Hogaamiye Kooxeedyo iska soo horjeeda. Sababo ay ka mid yihiin Dagaalo Dabo dheeraade iyo Colaado Joogtaa taas oo ay Magaalada Muqdisho ka dhigtay Meelaha aduunka ugu Qatarsan. Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho waxaa lagu Qiyaasaa 2.5 Million ilaa 3 million.

Taariikhda Muqdisho
Taariikhyahanada waa aay isku qilaafsan yihiin waqtiga la aasaasay magaalada muqdisho , qaar kamid taariikhyahanada yurub ayaa sheegay in magaalada Muqdisho la aasaasay qarnigii 7aad ama 8aad ee miilaadiga , laakin kuwo badan ayaa waxey sheegeen wax taasi qilaafsan.

Kitaabka taariikhda magaalada Baata (xeebta Afrikada bari) ee lagu qoray afka Sawaaxiliga ayaa waxaa ku qoran qofkii ugu horeeyay ee magaalooyinka xeebaha Afikada Bari aasaasay uu ahaa Khaliifkii Cabdulmalik Ibnu Marwaan sannadku markuu ahaa 77 hijriga, kadib markuu maqlay wararka magaalooyinkaas , wuxuu markaas rajeynaayi inuu halkaas ka dhiso boqortooyo cusub Cabdulmalik Ibnu Marwaan wuxuu halkaas usoo diray rag Suuriyiin , kuwaas oo ah dadkii dhisay magaalooyinka (Baata ) (Malindi) (Zinjibar) (Laamo)

Taariikhyahan Taliyaani ah ayaa wuxuu sheegay inaay aay magaalada Muqdisho ahaan jirtay Islaamka ka hor magaalo weyn

Markii Islaamka uu ku faafay magaalada Muqdisho waxey noqotay meel aay soo hijroodaan dadkii carabta ahaa, dadkaas oo halkaas ka abuuray ganacsi Iyo fidinta diinta Islaamka ilaa aay magaalada ka noqoto Minaaradii diinta ee Afrika, dadkaas firkoodi ilaa waqtigan xaadirka ah waxey weli ku noolyihiin magaalada Muqdisho iyo xeebaha Banaadir oo dhan nin magaciisa la dhihi jiray ‘’Ismaaciil Ibn Cumar Ibn Muxammed’’ , ninkaan wuxuu kasoo jeeday reer ‘’ Banii Cafaan’’ wuxuu magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii 149 hiriyada.

Ibnu Batuuta iyo Muqdisho
Ibnu Batuuta warbixintiisa wuxuu uga waramay qaabkii wanaagsanaa ee loo soo dhaweeyay iyo marti soorkii ee sadexda maalin ah ahaa ee aay reer Muqdisho u sameeyeen. Ibnu Batuuta wuxuu yiri: maalintii afaraad ee booqashadeydi magaalada Muqdisho ayaa waxaa ii yimid Qaadiga magaalada iyo ardayda iyo mid kamid ah wasiirada, waxeyna iikeeneen maro’’macawis’’ iyo maro kale garbaha lasaarto iyo camaamad sida kuwa masaarada oo kale , sidoo kale waxe maryo kuwaan oo kale u keeneen dadkii aniga ila socday , kadib waxaan soo aadnay Masjidka jaamica , Suldaanka ayaan salaamay , kadib asigana wuxuu igula hadlay afka Carabiga asiga oo dhahay ‘’ Qadamta kheyra maqdam , wa sharafta bilaa dana, wa aanastanaa’’ taas la micno ah ‘’ waxaad timid meel kheyr badan , wadankeena ayaad sharaftay waadna nasoo wehlisay ‘’

Saldanooyiinkii iyo Maamuladii Magaalada Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho soo xukumi jiray dowlado iyo Saldanado , maamuladaas qaarkoodi waxaa sameeyay dadkii ugu horeeyay carabta ahaa ee halkaas soo degay , qaar kalena waxey kamid aheyd qeyb katirsan qilaafadii Islaamka ee waqtigaas jirtay iyo maamulo aay sameysteen qabaailasoomaaliyeed iyo kuwii isticmaarka.

Waxaa dowladahaas kamid ahaa:

1.dowladii Ximyar : waqtigii ‘’ Ascad ibn Karb ‘’ oo ahaa mid kamid ah boqoradii ka talin jirtay yaman qarnigii 4aad ee Miilaadiga , dowladaan waxey kaloo soo xukuntay magaalooyinka’’ Marka’’ baraawa

2- dowladii Umawiyiinta waqtigii Cabdulmalik Ibnu Marwaan

3- dowladii Xalawaan oo Muqdisho ka talineysay qarnigii bilowgii qarnigii 6aad ee hijriga , waxaan magaalada xukumayay Maxamed Shaah ka tirsanaa maamulka Xalawaan ee Ciraaq.

4- dowladii Zuzaan oo bartamihii qarnigii 6aad ee hijiriga Muqdisho xukumayay.

5- dowladii Shiiraaziyiinta oo qarnigii 7aad hijriga , dowladaas waxey ku caan baxday dhisida Masaajida waaweyn oo leh qaab faarisi.

6- dowladii Faqrudiin oo aasaasay Suldaan Abubakar Faqrudiin , qarnigii 13aad ee Miilaadiga , kadib markii uu ku guuleystay inuu soo afjaro qilaaf ka dhaxeeyay qabaailkii Muqdisho deganaa.

7- dowladii Burtaqiiska oo magaalada Muqdisho xukumayay waqti gaaban sannadkii 1502 Miilaadiga , Burtaqiiska waxey dadkii Muqdisho deganaa kala kulmeen iska cabin xoog leh oo aay ku diidan yihiin maamulkoodi.

8- dowladii Mudafar oo Muqdisho xukumeysay bilowgii qarnigii 6aad ee Miilaadiga.

9- dowladii Yacquub oo aay aheyd Saldanad aay sameeyeen dad Soomaali Qabiilka Abgaal Suldaanadii ee dowladaas wuxuu ahaa Suldaan Xaaji Cumar Hilowle.

10- dowladii Cumaan waa waqtigii Suldaan Barqash oo ahaa suldaankii Sinjibaar oo xukumayay xeebaha bariga Afrika bartamihii qarnigii 18aad ee Miilaadiga, markaas waxey magaalada Muqdisho siyaasad ahaan raacsaneyd Suldaankii reer Cumaan ee joogay Sinjibaar.

11- dowladii Taliyaaniga oo magaalada Muqdisho qabsatay 1892 Miilaadiga , kadib markii hashiis la gashay Suldaankii reer Cumaan ee Muqdisho katalinaayi inuu ka tanaazulo xukunka ee uu qaato lacag dhan 140 kun Rubiya sannad walba.

Bilowgii 50 meeyadii waxey magaalada Muqdisho heshay maamul dowlad hoose ah , intii lagu guda jiray xurnimo raadintii somaliya 1950-1960.

Marka somalidu ay xornimada gaadatay 1960 waxey Muqdisho Noqotay Caasimada dalka. wixii 1991 ka danbeeyay Muqdisho Wax Maamul ah Mayeeleen.

Dhaqaalaha Muqdisho
Muqdisho waxey leedahay laba il djhaqaale oo kal aha Garoonka diyaardaha ee Aadan cade (ex-Muqdisho)0 iyo dakada weyn ee Muqdisho iyo garoona kale oo yar yar

Gaadiidka Mogadishu
* Gaadiidka Dhulka

Waddooyinka Ka baxa Magaalada Mogadishu waxey dhexmaraan Gobolada soomaaliya oo dhan waxeyna wadooyinkaas gaarkood gaaraan Wadamada Itoobiya Iyo Kenya.

* Gaadiidka Cirka

Shirkado duulimaad oo Gaar loo leeyahay ayaa ka shaqeeya Magaalada Muqdisho,dagaaladii sokeeya waxey Burbur u keeneen Garoonka Caalamiga ee adan cadde horay loogu yaqiinay Garoonka Muqdisho.

* Gaadiidka Badda

Magaalada Muqdisho waxey leedahay dakada weyn oo caalami ah,waxaana ka soo Daga badeecooyin kala duwan.

Waxbarashada Magaalada Muqdisho
Waxbarashada Magaalda Muqdisho waxa ay soo martay waqtiyo kala duwan, marka laga soo bilaabo burburkii dawladii hore ee soomaaliya. Burburkii ka hor waxbarshada muqdisho waxa ay aheyd mid aad u socota oo leheyd Iskuulo Hoose, Dhaxe & sare & waliba Jamcado kala duwan oo ay arday badan oo soomaali ah ka soo baxi jareen ama ka dhameyn jireen sanadkasto.

Hadaba Burburkii kadib?

Bur burki kadib ee dowladii soomaaliya waxaa yartay waxbarshadii tayada lahey { Shahaadooyinkii laag ayaqanay duna },marki dambe ayaa waxaa soo baxay iskuulo aad u tiro yar oo ay isku xilqaamen macalimintii hore ee wadanka kuwaas oo u dulqadan wayey jahliga & dhibaatada ku soosocota dadkooda & dalkooda. waxa sanadba Sanadka ka dambeeysa oo baxaayey iskuulo badan waxii waqtigas ka dambeyna waxa malgalda Muqdisho lagu arakeey arday wadata dharka iskuulo oo waqtiyad qaar ay buuxin jireen meelhah busteejooyinka, waxa uu waqtiba waqti isku dhiibo manta magala madaxda wadanla Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay leedahay Iskuulo Iskugu jira kuwa H/Dhaxae & sare & waliba Jaamacado kala duwan. Ilahey waxan ka baryenaa in uu noo nabadeeyo dalkena Noona toosiyo dadkeena. Aamiin Aamiin.

Cayaaraha
Magaalada Muqdisho waxaa ku yaala laba garoon caalami oo oo kala ah Garoonka Mogadishu iyo garoonka Banaadir { Koonis}. Ciyaaro kale oo farabadan aya laga dhelaa soomaliya gaar ahan Muqdisho sida, Kubada Kolayga oo lagu dheeelo Garoonka Kubaad Koleyga {Basketball} ee 1da luulyo (Ex-Lujino) , teenis {Tenns}, Dabaasha & Oradka & kuwa kale oo badan . Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho Stadium ayaa ah kan ugu weyn dhinaca garoomanka kaas oo lagu wada qaban dhamaan ciyaaraha waxaa kaloo loo yaqaanka hoyga ciyaaraha wxaaana dhisay Dalka Shiinaha

Dadka Aduunka Caanka ka ah ee ka soo jeeda Muqdisho
* Iman gabar Modelad ah oo dharka xayeeysiisa.
* K'naan Heesaa caan ah

Doorasha Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Mogadishu
Doorasha Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Mogadishu waxay waafaqsantahay xeerka Federalka ee dowladda kumeelgaarka oo ah in bulsho waliba lagu tixgaliyo degaankeeda,taas oo tixgalin weyn siineysaa beelweny ta hawiye gaar ahaan abgaal Godoomiyaha Gobolka Banadir iyo Duqa magaalada Mogadishu ee hadda waa Dhagaxtuur oo ka soo jeeda beelweynt Mudulood . Magaalada waxaa Awood ku leh Xaga dhaqalaha iyo Dad Ba, Marka laga tago abgaal Beelaha Habar Gidir iyo Murusade Inkastoo hawiye kale ay Dagaan Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Somalia

Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay Waajib tahay duqaymaha ay ciidamada AMISOM ka gaystaan suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo deegaanada kale marka weerarada lagusoo qaado.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda KMG Somalia Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo maanta hadlay ayaa sheegay in AMISOM ay Sharci u leedahay Duqaymaha ay shacabka u gaystaan Shacabka Muqdisho.

Aadan Madoobe wuxuu is cad u sheegay in AMISOM aysan qaldanayn balse khaladka ay leeyihiin Xoogaga Islaamiyiinta ah "AMISOM xaq ayay u leedahay in ay duqayso meelaha wax lagasoo tuuro mana ahan qalad qaldka waxaa leh kuwa madaafiicda shacabka kasoo dhaxtuuro" ayuu yiri Aadan Madoobe.

Ciidanka AMISOM ayaa shalay Xasuuqii ugu badnaa ka gaystay magaalada Muqdisho kadib markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Shariif.
Xafiiska Wararka Markacadey.net Magaalada Muqdisho.

Maamulka Islaamiga Gobalada Bay

Maamulka Islaamiga Gobalada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in ay dejinayaan sharciyo cusub oo dhanka Saxaafadda ah kadib markii ay dhawaan xireen idaacado Muqdisho ku yiilay.

Kulan balaaran oo maanta magaalada Baydhabo ku dhaxmaray Maamulka Islaamiga Gobalada Bay Bakool iyo Aqoonyahanada Baydhabo ayaa looga hadlay sidii dib loogu furi lahaa Idaacadaha weli u xiray Shabaab islamarkaana saxaafadda loola xisaabtami lahaa.

Waaliga wilaayada Islaamiga Gobalka Bay iyo Bakool Sheekh Mahad oo lahadlay Odayaasha Bay iyo Bakool ayaa sheegay in ay ilaali doonaan xauquuqda Saxaafadda marka la dejiyo qodobo waafaqsan shareecada Islaamka balse aan la ogolaan doonin in Idaacadaha u shaqeeyaan sidii idaacadaha reer Galbeedka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Muddo xiranyihiin Ilaa iyo Sedax Idaacadood oo ku yiilay magaalada Baydhabo kuwaasi oo aan la ogayn sababaha loo xiray.

Soomaaliya

Soomaaliya (Luugada Carabiga الصومال) loona yaqaano Jamhuuriyadda Soomaaliya waa dal ku yaala geeska bari ee Qaaradda Afrika. Waa dal ku fadhiya dhul balaaran isla markaasna raadkiisa taariikhda dunida laga heli karo, isagoo hadba magac lagu tilmaamayo, gaar ahaan xilligii Faraaciinta iyo Romaankuba. Soomaaliya waxay u qaybsantahay 18 gobol,oo kala ah:
* 01. Awdal (Baki)
* 02. Bakool (Xudur)
* 03. Banaadir (Muqdisho ama Xamar)
* 04. Bari (Bender Cassim) ( Boosaaso)
* 05. Bay (Baydhabo)
* 06. Galguduud (Dhuuso Mareeb)
* 07. Gedo (Garbahaarreey)
* 08. Hiiraan (Beledweyne)
* 09. Jubbada Dhexe (Bu'aale)
* 10. Jubbada Hoose (Kismaayo)
* 11. Mudug (Galkacayo)
* 12. Nugaal (Garoowe)
* 13. Sanaag (Erigavo)
* 14. Shabeellaha Dhexe (Jowhar)
* 15. Shabeellaha Hoose (Marka)
* 16. Sool (Laascaanood)
* 17. Togdheer (Burco)
* 18. Woqooyi Galbeed (Hargeysa)

Soomaaliya waxay xornimadeeda la soo noqotay 1960, kadib markii ay halgan hal qarni qaatay ay dadka Soomaaliyeed la galeen dowladihii gumaysanayey oo kala ahaa Talyaaniga iyo Ingiriiska, kuwaas oo u kala qaybiyey geyiga Soomaaliya shan qaybood. Waxay dadka Soomaaliyeed u ahayd guul aad u wayn markii ay xoroobeen labadii qaybood ee Ingiriiska iyo Talyaanigu ay kala gumaysan jireen, iyadoo ay weli ku sii jireen gacanta gumaysiga qaybihii lakala siiyey Faransiiska, Itoobiya iyo Kenya. Marka laga soo gudbo kacaa kufkii dawladihii curdinka ahaa ee gumaysiga ka danbeeyey, waxaa dalka soo maray dawlad milateri ah oo dhinacna gan adag ku maamulaysay dalka dhinaca kalena ay tartan kula jireen siyaasado badan oo kala ujeedo ah, taas oo dadka Soomaaliyeed ugu danb ayntii geyey siisay inay gaadhaan xaalad laga naxo oo loo malayn karo in dalkuba dib uga soo kaban waayo. Kooxaha maangaabka ah iyo kuwa loo adeegsaday dhagarta dalkooda ayaa ilaa maanta la soo indhacad in burburkii dalku uu ahaa guulo la gaadhay. Waxaa warbaahinta qaarkeed ayba halhaysyada furitaanka ka dhigteen heeso iyo erayo lagu dhafoor taabanayo Ummadaa hagaastay.

CEELKA CONOCO: Dalka Soomaaliya marka la eego juqraafi ahaan, waxaa loo malaynayaa in uu ku kaydsan yahay shidaal farabadan. Shirkadaha muddad dheer ku hamiyayey in ay shidaal ka soo saaraan Soomaaliya waxaa ka mid ah shirkadda , taas oo xarun ama kaam ballaaran ku lahayd meel (Kaam) 35 km dhanka Bari ka xigta magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal... Akhri CEELKA CONOCO

Maalmaha Soomaaliya lagu qadariyo lana xuso sannad walba waxaa ka mid ah:
* 1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
* 2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
* 3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
* 4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
* 5. 8da Maarso maalinta haweenka dunida
* 6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
* 7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
* 8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L.
* 9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.
* 10. 20kii bishii Disember sanadii 1943kii aasaaskii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
* 11. 21 octobar sannadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
* 12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
* 13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
* 14. 1900-1921juu Halgankii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
* 15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
* 16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cusmaan.
* 17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
* 18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Maxamed Siyaad Barre, kadib koolkii ciimada qalabka sida oo uu hoggaaminayo ay talada dalka la wareegeen.
* 19. Warshadii kalluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
* 20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
* 21. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
* 22. Warshadda Caanaha Xamar waxaa la dhisay 1966kii
* 23. Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.
* 24. Warshadda Sonkorta ee Mareerey waxaa la aasaasay 1972dii

tan waa taariikhdii soomaaliya iyo maalmaha la xuso ruuxii soomaaliya ee soo qoray aniga waxaan lee yahay mahad ha kaa gaarto